Barcelona Oo Dhaawac Ku Wayday Laba Xiddig Oo Muhiim Ah.

0
201

JOWHAR (Radio isnaay) Masiibada dhaawacyada ayaa wali daba taagan kooxda Barcelona xilli ay kooxdu haatanba la dhibaatoonayso dhaawacyo ka soo gaadhay xiddigeheeda xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Frenkie de Jong iyo Ronald Araujo ayaa labadoodaba ku dhaawacmay kulankii Copa del Rey ee ay Barcelona guusha ka gaadhay kooxda Linares Deportivo.

Xiddiga reer Hooland ee de Jong ayaa xanuun iyo raaxo la’aan dareemay kaliya markii 28 daqiiqo socotay ciyaartu taas oo keentay in la badalo.

Dhanka kale xiddiga daafaca ka ciyaara ee Araujo ayaa la arkay isaga oo gacanta xidhan kadib markii badalka lagu sameeyay qaybtii dambe.

Tababaraha Kooxda ee Xavi ayaa rajaynayaa in uuna dhaawaca soo gaadhay labada xiddig kuwaas oo muhiim ka ah kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here