Booliska Dalka India oo xiray Nin Sameeyay beecin been abuur ah.

0
240

Booliiska dalka India ayaa xiray wiil 21 jir ah oo lala xiriirinayo barnaamij ku shaqeeyo taleefoonnada casriga ahi oo lagu faafiyay sawirrada in ka badan 100 gabdhood oo Muslimiin ah oo la sheegay in ay ” yihiin iib”.

Wiilkani ayaa ah arday jaamacad ka dhigta culuunta injineernimada, kaasi oo ka soo jeeda koonfurta magaalada Bangalore balse wali lama shaacin magaciisa rasmiga ahi.

Ilaa iyo haatan ma cadda dambiyada lagu soo oogay balse booliska ayaa BBC-da u sheegay in wiilkani lala xiriirinayo barnaamijkaasi lagu faafiyay sawirrada gabdhaha Muslimiinta ahi ee la sheegay in la iibinayo ay yihiin xaraash.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here