Sicir Bararkii Ugu Ba’naa Oo Laga Soo Sheegayo Dalka Turkiga

0
187

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xaddiga sicir-bararka sanadlaha ah ee Turkiga ayaa kor u kacay in ka badan boqolkiiba 36, waana sare u kacii ugu sarreeyay muddo 20 sano ah.

Qiimaha gawaarida lagu raaco ayaa kor u kacay in ka badan kala bar, iyadoo qiimaha cuntada iyo waxyaabaha d

aruuriga ahna uu sare u kacay in ka badan boqolkiiba 40.

Sanadkii la soo dhaafay qiimaha lacagta Turkiga ee Lira ayaa ku dhowaad kala bar hoos u dhacay.

Waxay sanakdii hore boqolkiiba 44% ka hoos martay doollarka Mareykanka, haddana maanta ayay 5% hoos u sii dhacday.

Hoos u dhaca lira hayaa qiimaha waxyaabaha la soo dhoofiyo qaali ka dhigay.

Madaxweyne Erdogan ayaa heerka dulsaarka ku tilmaamay inay tahay “hooyada iyo aabbaha xumaanta”.

Khudbad  jeediyay ayaa wuxuu ku sheegay in Turkiga uu wajahayo isbeddel dhaqaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here