Maxaa ka soo baxay wadahadaladii Lukaku & Tuchel.

0
184

JOWHAR (Radio isnaay) Weeraryahanka kooxda chelsea ee Romelu Lukaku ayaa wadahadal wanaagsan la yeeshay tababare Thomas Tuchel isniintii, sida lagu sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Belguim ayaa dhawaan qirtay in uuna ku faraxsanayn Noloshiisa Stamford Bridge waliba uu doonayo in uu ku laabto Inter Milan.

Lukaku ayaa arintaas darteed looga reebay kulankii Liverpool ee horyaalka premier league waxana uu xiddigu wadahadalo la yeeshay tababarihiisa Isniintii.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Lukaku ayaa muujiyay sida uu uga qoomameynayo hadaladiisa, waxaana jirta fursad ah in ciyaaryahankii hore ee Inter uu dib ugu soo laabto kooxda Arbacada la ciyaari doonta Tottenham Hotspur lugta hore ee semi-finalka EFL Cup.

Lukaku ayaa lala xidhiidhinayay ka tagista Chelsea saacadihii la soo dhaafay iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Tottenham oo uu hogaamiyo tababarihiisii hore ee Antonio Conte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here