6-da Xul Ee U Sharaxan Ku Guulaysiga Koobka Qaramada Qaarada Africa Oo La Shaaciyay

0
195

JOWHAR (Radio isnaay) Goolhayihii hore ee xulka qaranka Cameroon Joseph-Antoine Bell ayaa magacaabay 6 xul oo ugu cad-cad ku guulaysiga koobka qaramada qaarada Africa bilaabmi doona maalmo yar kadib.

Koobka ugu qiimaha badan qaarada Africa ayaa bilaaban doona 9 bishan haatan oo ku beegan todobaadka dambe isaga oo soon doona muddo bil ah iyada oo xulalka 24-ka ah ee ka qayb galaya tartanka u dagaalami doonaan koobka.

Joseph-Antoine Bell oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xulalka ugu cad-cad ku guulaysiga koobka qaramada qaarada Africa waxa ay kala yihiin xulalka Senegal, Morocco, Tunisia kuwaas oo ku jira qaab ciyaareed fiican”.

“Dhanka kale xulalka khibrada u leh ku guulaysiga uguna cad-cad ku guulaysiga koobka ayaa ah Xulalka Masar, Cameroon iyo Nigeria ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xulka Algeria ayaa difaacanaya koobka qaramada qaarada Africa kadib markii ay ku guulaysteen koobka markii ugu dambaysay ee la qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here