Cristiano Ronaldo Oo Loo Soo Bandhigay Fursad Uu Ugu Ciyaaro Koox Kale Oo Premier League Ah.

0
242

JOWHAR (Radio isnaay0 Tababaraha Kooxda Wolves ee Bruno Lage ayaa u sheegay Cristiano Ronaldo inuu ku soo dhawayn doono kooxdiisa hadii uu doorto in uu isaga tago kooxda Man United.

Tababaraha reer Portugal ayaa fariin u diray xiddiga ay isku dalka yihiin ka hor kulankooda Isniinta ee ka dhici doona Old Trafford.

Hadalka tababare Lage ayaa imanaya kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in uuna Cristiano Ronaldo ku faraxsanayn kooxda iyo qaab ciyaareedka tababare Ralf Ragnick.

“Waa Mishiin”ayuu yidhi tababaraha Wolves.

“Mar walba waxa uu doonayaa in uu gool dhaliyo arintaas ayuuna u noolyahay, wana xiddig weyn koox walba oo adduunka ah way jeclaan lahayd in ay hesho”.

“Aniga ahaan hadii uuna ku faraxsanayn Man United, aniga ayaa boos uga samaynaya kooxdayda”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here