Arday Wax ka barata Machadka Umulisooyinka oo u fadhiistay Imtixaan

0
244

JOWHAR (Radio isnaay) Ardayda wax ka baratay Machadka Tababarka Umulisooyinka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta u fadhiistay Imtixaankii qalan jabinta machadaka, kuwaasi oo tiradoodu gaareyso 69 oo bartay xirfadda Umulosinimo, Imitaxaankan ayaa ka kala dhacaya magaalooyinka Muqdisho, Kismayo iyo Cadaado.

Machadka Tababarka Umulisooyinka ayaa Ardaydan gacata ku hayay muddo laba sano ah oo ay baranayeen xirfadda Umulisonimo taas qeyb ka ah qorshaha Wasaardda ee sara u qaadida Umulisooyinka dalka, si loo yareeyo dhimashada haweenka xiliga uurka iyo dhalmada.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Shaqaalaha Caafimaadka iyo Tabarada Dr. Maxamed Xuseen Calasow ayaa furay Imtixaankan, kaasoo ka socda dhamaan magaalooyinka kor ku xusan sidoo kale Agaasimaha ayaa kula dardaarmay dhamaan ardayda qalin jabineyso inay muujiyaan dadaal fiican, isla markaana aqoontooda caafimaad ee ay barteen ugu adeegaan dadkooda si daacad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here