Chelsea Oo Diyaarsatay 3 Xiddig Oo Ay Ku Buuxinayso Booska Cesar Azpilicueta Xilli Uu Xiddigu Ku Dhawyahay In Uu Ku Biiro Barcelona.

0
255

JOWHAR (Radio isnaay) Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarisay liis ka kooban seddex ciyaaryahan si ay u bedelaan daafaca ku wajahan Barcelona ee Cesar Azpilicueta.

Azpilicueta ayaa u muuqda mid ku biiraya kooxda reer Catalonia dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhaco heshiiskiisa Stamford Bridge, iyadoo Barcelona la rumeysan yahay inay heshiis afka ah la gaadhay xiddiga 32 jirka ah.

Xiddiga reer Spain ayaa haatan ah xiddiga wakhtiga ugu dheer jooga Blues isaga oo kooxda yimid xagaagii 2012 una ciyaaray kooxda 450 kulan isla markaas caawiye ka noqday 56 gool.

Sida laga soo xigtay Express, kooxda heysata Champions League ayaa bartilmaameedsan doonta xiddiga Sevilla ee Jules Kounde, xiddiga kooxda Fenerbahce ee Attila Szalai iyo xiddiga Wolfsburg ee Maxence Lacroix si ay ugu bedelaan Azpilicueta.

Real Madrid iyo Manchester United ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Kounde laakiin waxaa la sheegayaa in ay Blues ku horayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here