Man City Oo Guul Ka Gaartay Brentford , Hadiyadihii Liverpool Iyo Chelsea Waa Ka Faa`ideysteen

0
405

JOWHAR (Radio isnaay) Man City ayaa kaa faa`ideysatay barbardhicii Chelsea iyo guul daradii ka sii horeeysay ee Liverpool waxa ayna guul ka gaareen Brentford oo ay marti u ahaayeen, waxa uuna kulankaan ka tirsana wareegga 20-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Qeybtii hore waxa ay soo bandhigeen City bandhig wacan iyo kubad haysasho aad u sareysa xilli kooxda garoonka ay ka sheeganayeen go`aano si qaldan ay u qaadanayeen

Goolka City waxa uu yimid daqiiqaddii 16-aa waxaan saxiixay Foden balse waxa ay ku  fiicnaayeen mamaulka kubadda oo mararka qaar %79-aad ayay gaarayeeen

Soo laabashadii kooxda Brentford mararka qaar si toos ah ayay ugu dhirianaayeen in ay cabsi giliyaan shabaqa City balse waa la hor taagnaa xilli ka dib cadaadiska City uu noqday mid iska dabiici ah .

Mararka qaar %76 ayay gaarayeen City balse nasiibka ayaa ka maqnaa iyo daafac hor taagnaa xilli ay jirta kubad De Bruyne birta kaga dhacday .

Sidaas oo ay tahay kooxda garoonka qeybta labaad waa wacnaayeen waana laga filan karay marka la eego City oo aan go`aamineyn ku sareynta mamaulka kubadda

Dhamaadkii , ciyaarta waa u furmeyd labada koox xili City daqiiqaidi 87-aad laga diiday gool sababa la xariira Offside , waxa ayna ugu dambeyn ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here