Chelsea Oo Daqiiqadihii Ugu Dambeeyay Ee Ciyaarta Iska Khasaarisay 2 Dhibcood, Brighton Ayay Bar-Baro La Galeen.

0
237

JOWHAR (Radio isnaay)  Kooxda chelsea ayaa Bar-baro kala kulantay kooxda Brighton kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa todobaadkii 20-aad ee horyaalka premier League.

Bar-baraas ayaa chelsea ka caawisay in ay ka sare marto kooxda Liverpool waliba kala baxdo kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo ay labada kooxood si dhab ah u doonayeen dhibcaha kulanka.

Kooxda Brighton ayaa dhanka kubad hasashada kaga fiicnayd chelsea halka ay Blues ahayd kooxda fursadaha halista ah helaysay.

Daqiiqadii 28-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana madax u dhaliyay xiddiaga Romelu Lukaku kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda chelsea ciyaartana ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay chelsea hogaaminayso kulanka laakiin Brighton ahayd kooxda halista badan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Brighton si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha ee ciyaarta.

Brighton ayaa wax walba u samaysay sidii ay u keeni lahayd bar-baraha xilli ay chelsea difaac gashay isla markaas qaadayeen weeraro rogaal celis ah oo ay marar badan ku halis galiyeen kooxda Brighton.

Daqiqiadii 90+1-aad ayay Brighton dhalisay goolka bar-baraha waxana madax u dhaliyay xiddiga Danny Welbeck kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea ku fashilantay in ay guul gaadho iyaga oo daqiiqadihii uu dambeeyay dhibcaha iska lumiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here