Wakiilka Philippe Coutinho Oo Ku Sugan London & Kooxda Uu Wadahadalada La Galayo Oo La Ogaaday.

0
389

JOWHAR (Radio isnaay) Wakiilada xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa lagu soo waramayaa in uu ku suganyahay magaalada London si uu wadahadalo suuqa ah ula galo kooxda Arsenal.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa la rumaysanyahay in uuna ka mid ahayn qorshaha Xavi ee Barcelona waxana lala xidhiidhinayaa ku laabashada horyaalka premier League.

Tottenham iyo kooxdiisii hore ee Liverpool ayaa xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga laakiin tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa la rumaysanyahay in uu ogolaansho siiyay dhamaystirka heshiiska.

Wargayska Sport ayaa haatan sheeaya in wakiilka Coutinho ku suganyahay magaalada London taas oo keentay rajo ah in la dhamaystiri karo heshiiska.

Waxa intaas sii dheer in ay wararku sheegayaan Barcelona in ay doonayso in ay iska dirto coutinho si ay meesha uga saarto heshiiskiisa aadka u badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here