Real Madrid Oo Eden Hazard U Soo Bandhigaysa Chelsea & Sababta Oo La ogaaday.

0
421

JOWHAR (Radio isnaay) Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay Eden Hazard ku darto heshiis lacag iyo ciyaartoy iyo lacag ah oo ay ku doonayso daafaca garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Reece James.

Hazard ayaa ku dhibaatoonaya Real Madrid waxana ay u muuqataa in uu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan ama suuqa January.

Dhanka kale Los Blancos ayaa suuqa ugu jirta xiddig ay ku badasho xiddiga dhaawacu dishooday ee Dani Carvajal kaas oo kulamo badna dhaawac ku seegay xilli ciyaareedkan waxana ay bartilmaameedsanayaan xiddiga kooxda chelsea ee James.

Sida laga soo xigtay El Nacional, Real ayaan diyaar u ahayn inay bixiso qiimaha chelsea ee 60-ka milyan ah ee ay ku qiimayso xiddiga Reece Jamed laakiin waxa ay diyaar u tahay in ay Hazard ku darto heshiiska si ay hoos ugu dhibto qiimhaas.

Si kasta ha ahaatee waxa la sheegayaa in uu Milkiilaha kooxdu aad u doonayo in uu James k sii hayo kooxda walba walbana u sameeyo si uuna uga tagin kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here