Muxuu yahay xiriirka ka dhexeeyo hargabka iyo feyraska cusub ee Karona?

0
437

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda cilmi-baarista ee Zoe Covid waxay la socdeen safmarka iyagoo adeegsanayay jawaab celin ka timid dadweynaha, waxayna ku qiyaaseen kala bar dadka qaba calaamadaha hargabka inay dhab ahaantii qabaan Covid-19.

Waxay cilmi baarayaasha qeexayeen kiisaska cirka isku shareerayo ee ku saabsan feyraska cusub ee Omicron kaas oo dalkaas fara ba’an ku hayay toddobaadyaadii lasoo dhaafay.

Ku dhawaad 144,000 oo qof ayuu maalintii ku dhacaa cudurka, waxayna dareemaan caafimaad darro.

Inta badan, Covid waa cudur fudud. dadka uu ku dhaco qaarkood haba yaraatee wax calaamado ah iskuma arkaan.

Laakiin dadka qaarkood ee uu haleelay Covid-19 waxay dareemi karaan xanuun halis ah, dadkaas waxaa kamid noqon karaa kuwa aan la tallaalin.

Haddii aad isku aragto calaamado u eg kuwa hargabka, iska baar cudurka Covid-19, ayuu yiri saynisyahanka hormuudka ka ah cilmi baaristan, Prof Tim Spector.

“Dadka badankooda ee laga helay feyraska cusub ee Omicron, waxay inta badan dareemaan inay qabaan hargab, waxayna isku arkaan calaamadaha sida cune xannuun, diif iyo madax xanuun, waxaad arrintani weydin kartaa haddii uu jiro qof saaxibka ah oo dhawaan laga helay cudurka”

Dalka UK wuxuu diiwaangeliyay kiisas gaarayo 106,122 oo ku saabsan feyraska cusub.

Iyadoo kiisaska ay labanlaabmaan labadii ama saddexdii maalmoodba mar, khubaradu waxay sheegayaan in saraakiisha caafimaadka ay ka walaacsan yihiin cadaadiska ay tani ku keeni karto xarunta qaranka ee bixisa adeegayada caafimaad ee NHS-ta.

Daraasadaha hordhaca ah waxay muujinayaan in dadka uu ku dhacay feyraska cusub lagu arkay calaamado kala duwan sida in dad qaar lagu arkay caalamado fudud halka kuwa kalena ay si aad ula xanuunsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here