Shirkadda TikTok oo sanadkan kaalinta koowaad ka qaadatay Google.

0
176

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – TikTok ayaa kaalinta koowaad ee baraha internet-ka loogu isticmaal badan yahay ka qaaday shirkadda Google oo kaalintaasi heysatay toban sano oo xiriir ah.

Bartan muuqaallada la iskula wadaago ayaa ka caansan barta Google ee wax laga baaro, sidalaga soo xigtay Cloudflare, oo ah barta ammaanka teknolojiyadda.

Xogta ayaa muujineysa in TikTok uu Google ka saaray booska koowaad bishii February, March iyo June ee sanadkan, uuna booska koowaad qabtay tan iyo bishii August.

Sanadkii la soo dhaafay Google ayaa kaalinta hore ku jiray, iyo dhowr baraha internet-ka oo ay ka mid yihiin TikTok, Amazon, Apple, Facebook, Microsoft iyo Netflix oo dhammaantood soo galay kaalmaha 10.

Waxaa la rumeysan yahay in mid ka mid ah sababaha ay u sii kobceyso caannimada Tiktok ay tahay musiibada Corona, maaddaama bandowga awgii ay dadku guryaha ku xayirmeen ayna baadigoob u galeen waxyaabo ay ku madadaashaan.

Iyadoo bishii July ee sanadkan, App-ka TikTok ayaa la soo dejistay in ka badan saddex bilyan oo jeer, sida laga soo xigtay shirkadda xogaha ee Sensor Tower.

Shirkaddan baraha bulshada, ee ay leedahay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Bytedance, ayaa haatan waxaa isticmaala in ka badan hal bilyan oo qof oo daafaha dunida ku kala nool, tiradaas ayaana sii kordheysa.

Gudaha Shiinaha, si loo ilaaliyo shuruucda waxaa shirkaddan looga yaqaannaa Douyin.

Douyin waxay markii ugu horreysay soo baxday bishii September 2016. Sanadkan, Shiinaha ayaa soo saaray amar ah in dadka ay da’dodu ka yar tahay 14 loo oggolaan doono inay bartaasi isticmaalaan 40 daqiiqo maalintii.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here