Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray Xafiisyada Qaar kamid ah Wasaaradaha Hirshabeelle.

0
200

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta kormeeray qaar kamid ah Wasaaradaha Hirshabeelle iyo Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa xarumaha Wasaaradaha uu kormeeray waxaa kamid ah Caafimaadka, Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Biyaha iyo Tamarta, Waxbarashada iyo Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka.

Madaxweyaha waxa uu indho indheeyay Xafiisyada iyo Qaabka ay u socdaan dhammaan Shaqooyinka Wasaaradaha waxa uuna la kulmay dhammaan Wasiirada iyo Shaqaalaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo uu warbixin ka dhageystay Xilli ay ku Howlanaayeen Gudashada Waajibaadkooda Shaqo ee loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kuna dhiirigaliyay Wasiirada iyo Howlwadeenada Wasaaradaha inay laba laabaan u shaqeynta Bulshada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa kormeer ku tagay xarunta Gudiga Shaqaalaha Rayidka oo uu kula kulmay Gudoomiyaha Gudiga Agaasinka iyo Howlwadeenada Guddiga Shaqaalaha Rayidka waxa uuna ka dhageeystay Warbixin Howleedka Shaqooyinka Guddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here