Xiddigaha Real Madrid Oo Haatanba Og Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo Ku Soo Biiri Doona Kooxda Xagaaga.

0
168

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddigaha kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba filayaan in uu daafaca chelsea ee Antonio Rudiger ku biiri doono kooxda xilli ciyaareedka dambe Sida laga soo xigtay Telegraph.

Heshiiska Rudiger ayaa dhici dooona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu ilaa haatan diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda sabab la xidhiidha in ay Blues diiday dalabkii uu codsaday.

Real Madrid ayaa ah kooxda sida weyn loola xidhiidhinayo xiddiga Rudiger iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan daafaca dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in ay Real Madrid ku kalsoontahay in ay ku guulaysan doonto saxiixa xiddiga  reer Germany marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda chelsea.

Sidaas darteed maamulka Kooxda ayaa haatanba u sii sheegay xiddigaha kooxda in uu Rudiger noqon doono saaxiibkooda cusub xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here