Dowladda kenya oo soo saartay sharci lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

0
220

JOWHAR (Radio isnaay)- Wasaraada Caafimaadka Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay dhaqangelin doonto sharci dadka looga baahan yahay in ay ka tallaalan yihiin xanuunka COVID-19 marka ay tagayaan goobaha adeegyada bulshada, goobaha la isugu yimaado iyo munaasabadaha.

Xoghayaha maamulka caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in dadka raacaya basaska, kuwa tagaya maqaayadaha iyo meelaha la iskugu yimado looga baahan yahay inay la yimadan warqad cadeyneysa inay qaateen talaalka

Maxkamadda sare kenya ayaa dib u dhigtay dhageysiga sharci dadka kenya qasab uga dhigaya inay qaatan talaalka cudurka karoona feyris.

Dalka kenya ayaa ka mid ah dalalka afrika ee inta badan laga diwaangeliyay kiisaska cudurka karoona feyris bilihii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here