Dal deyn badan oo lagu leeyahay oo isaga bixinaya caleen.

0
188

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sri Lanka ayaa qorsheneysa inay bixiso deenta shidaalka ay horey Iiraan uga qaadatay, iyadoo ugu beddeleysa caleenta, sida uu sheegay wasiir dowladda ka tirsan.

Ramesh Pathirana ayaa sheegay in dalkiisa uu rajeynayo in calen qiimaheedu yahay $5m (£3.8m) a u dhiibto Iiraan bil walba si ay isaga bixiso deenta $251m ah.

Sri Lanka ayaa wajaheysa xasarad ba’an oo deymo lagu leeyahay iyo sarrifka lacagaha qalaad ah, taas oo ay uga sii dareen iyadoo weysay dakhligii ka soo gali jiray dalxiiska sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Xubin ka tirsan waaxda caleenta ee dalkaas ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee uu dalkaasi caleenta ku bixinayo deymaha dalalka shisheeye.

Mr Pathirana ayaa sheegay in habkan uusan meel uga dhaceynin cunaqabateynta Qaramada Midoobay iyo Mareykanka, maaddaama caleentu ay ka mid tahay cntada, isla markaana aysan ku lug yeelaneynin bankiyada Iiraan ee liiska madow ku jira.

“Waxaan rajeyneynaa inaan caleen qiimahedu yahay $5m bil walba ku bixinno shidaalka aan Iiraan ka soo qaadaneynay tan iyo afartii sano ee la soo dhaafay,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here