Barcelona Oo Sergino Dest U Adeegsanysa Sxiixa Xiddig Uu Xavi Doonayo.

0
309

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa qorsheyneysa heshiis is dhaafsi ah la samayso kooxda Ajax iyaga oo xiddiga Sergino Dest u diri doona Ajax si ay u helaan xiddiga kooxda Ajax ee Noussair Mazraoui sida laga soo xigtay Diario AS.

Xiddiga reer America ee Dest aaa seegay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee Barcelona sabab la xidhiidha dhaawac laakiin waxa la rumaysanyahay in uu ka baxay qorshaha tababare Xavi.

Xiddiga kooxda Ajax ee Noussair Mazraoui ayaa ah mid ku soo baxaya qaab ciyaareedka Xavi isaga oo leh orod badan iyo waliba taam ahaansho dhanka jidhka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here