Xog muddo dheer la raadinayay oo laga ogaaday dadka isticmaala gacanta bidixda ah.

0
235

JOWHAR (Radio isnaay)-Khubarada dhinaca Seyniska ayaa helay macluumaadkii ugu horreeyay ee ku saabsan sababta uu qofka bani’aadanka ah si dabiici ah ugu noqdo “gureey” ama u isticmaalo gacanta ama lugta bidixda ah.

10-kii qof hal ka mid ah ayaa isticmaala bidixda, horayna looma ogeyn sababta rasmiga ah ee keenta, laakiin waxaa dadaal loogu jiray in shaaca laga qaado.

Waxaa la sameeyay tijaabooyin la xiriira dhaqaanka hiddasidaha ee loo yaqaanno DNA, si wax looga ogaado arrintan muddada dheer soo jiitameysay.

Ilaa iyo hadda astaamaha la arkay ayaa ku saabsan habka shaqada maskaxda – gaar ahaan qeybaha qaabilsan barashada luqadaha.
Koox Seynisyahanno ah oo ku sugan Jaamacadda Oxford ayaa sheegay in dadka gacanta bidixda ah isticmaala ay yeelan karaa xirfado dhinaca
sameynta erayada ah oo ka fiican dadka midigta isticmaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here