Real Madrid Oo Badalka Dani Carvajal Ka Heshay Inter Milan.

0
215

JOWHAR (Radio isnaay) Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay u calaamadsatay daafaca kooxda Inter Milan ee Denzel Dumfries kaas oo ay u aragto badalka mustaqbal ee xiddiga Dani Carvajala.

Xiddiga reer Netherlands ayaa ku bilowday qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo ku biloway 10 kulan 10 kalena badal ku soo galay.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa door muhiim ah ka qaatay in ay Inter Milan hogaamiso horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedka isaga oo dhaliyay goolal muhiim ah.

Sida laga soo xigtay Defensa Central, Real Madrid ayaa xiddiga 26 jirka ah doonaysa in ay u dhaqaaqdo dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu dhaawacyo badan soo gaadheen xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here