Mohamed Salah Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Sanadka

0
188

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican sanadka 2021 ee horyaalka premier League ee ay codeeyaan taageerayaash.

Mohamed Salah ayaa kaalinta 1-aad ku soo baxay isaga oo helay cod ka badan 140 kun oo Cod sidaasna ugu guulaystay abaalmarinta.

Salah ayaa abaalmarinta ku guulaystay sanadkii 2-aad oo xidhiidh ah kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah sanadkan haatan lagu jiro.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa baalmarinta ku garaacay xiddiga kooxda West Ham ee Declan Rice halka uu xiddiga Man United ee Bruno Fernandes ka galay kaalinta 3-aad.

Salah ayaa xilli ciyaareedkan waxdaro dhigaya isaga oo dhaliyay 15 gool horyaalka premier League waliba ay u badantahay in uu ku guulaysan doono abaalmarinta gool dhalinta sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here