Mustaqbalka Thomas Tuchel Ee Chelsea Oo Halis Galay Kadib Natiijooyinkii Xumaa Ee Kooxda.

0
179

JOWHAR (Radio isnaay) Waxa durba la bilaabay in la hadal hayo mustaqbalka tababaraha chelsea ee Thomas Tuchel kadib kulamadii ugu dambeeyay ee ay kooxdu dhibaatootay.

Tuchel ayaa chelsea ka dhigay kooxaha ugu awooda badan yurub iyo prememier League isaga oo koxoda xilli ciyaareedkii hore ku hogaamiyay champions league.

chelsea ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkan ku bilaabatay qaayb ciyaareed cajiib ah iyaga oo bilowgii xilli ciyaareedkan wacdaro dhigay.

Laakiin chelsea ayaa kulamadii ugu dambeeyay dhibaatoonaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed aan fiicnayn hadii ay tahay dhanka natiijooyinka iyo waliba qaab ciyaareedka.

Chelsea ayaa kaliya hal 2 kulan badisay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier league iyaga oo bar-baro galay 4 ka mid ah isla markaas laga badiyay hal kulan oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here