Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Premier League Ee Maanta

0
185

JOWHAR (Radio isnaay) Waxa maanta la ciyaaray kulamo horyaalka premier League ah oo ay Ciyeen 3 ka mid ah kooxaha ugu waaweyn horyaalka premier League.

Kooxda Man City ayaa xasuuqday kooxda Newcastle United iyaga oo sii dheeraystay hogaanka horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa kufay iyaga oo bar-baro ku dhaafi waayay kooxaha Tottenham iyo Wolves.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamada la ciyaaray maanta.

1.Andy Robertson ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee gool dhaliya isla markaas mid kale caawiya kadib kaadhka casaanka ah qaata tan ilaa Aleksandar Mitrovic oo sidaas sameeyay May 2016.

2.Liverpool ayaa dhalisay 50 gool 18 kulan oo ay ciyaartay Premier League xilli ciyaareedkan, waa klamadii ugu yaraa ee ay koox u baahato si ay u dhaliso 50 gool qaybta hore ee xilli ciyaareedka.

3.Tan ilaa xilli ciyaareedkii 2017/2018 xiddigaha Andy Robertson iyo Trent Alexander-Arnold ayaa caawiyay 40 gool premier League kaliya xiddigaha Mohamed Salah (42) & Kevin De Bruyne (50) ayaa ka badan wakhtigaas.

4.Diogo Jota ayaa dhaliyay 10 gool oo premier League ah xilli ciyaareedkan markii ugu horaysay xirfadiisa ciyaareed dhanka kale kaliya xiddigaha Dominic Calvert-Lewin (8) & Christian Benteke (7) ayaa kaga badan goolasha madaxa lagu dhaliyo.

5.Manchester City ayaa gaartay guusheedii 34-aad ee horyaalka sanadka 2021, iyadoo sameysay rikoor cusub oo ah guulaha ugu badan ee kooxdu gaarto sanad gudihiis.

6.Manchester City ayaa dhalisay 105 gool Premier League sanadka 2021; Inta ugu badan ee hal sano gudihiis ay kooxdu dhaliso iyaga oo dhaafay rikoodhkii ay dhigeen sanadkii 1929 markaas oo ay dhaliyeen 104.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here