WHO oo sheegtay in Korona Fayraska cusub ee Omicron uu gaaray 89 dal.

0
160

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in Korona fayraska Omicron uu hadda gaaray sagaal iyo siddeetan waddan oo adduunka ah.

Hay’adda ayaa intaa ku dartay in Omicron uu ka dhakhso badan yahay nooca kale ee Delta xagga faaiftaanka, waxay kaloo sheegtay in kiisasku ay saddex cisho oo kaliya ku laba jibbaarmi karaan.

Si ka dhakhso badan ayuu u fidaa marka loo eego nooca Delta waxayna WHO sheegtay in ay qaadanayso saddex maalmood oo keliya in kiisasku labanlaabmaan.

Kororka kiisaska ayaa qaylo dhaan ka abuuray Yurub iyo Maraykanka.

WHO ayaa ka cabsi qabta in nidaamka caafimaad ee caalamku uu burbur qarka u fuulo.
Saynisyahanno dowladda Ingiriiska kala taliya Korona fayraska cusub ee Omicron ayaa sheegay in dhawaan cisbitaallada uu culays soo fuuli doono—hadd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here