Cali Guudlaawe Oo Guddoomiyay Shirka Wasiirada Hirshabeelle

0
182

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka todobaad laha ee Golaha Wasiirada Dowlad GoboleedkaHirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Xukuumada warbixin uga dhagaystay Wasiirada Wasaaradaha Kallkuumeysiga, Waxbarashada, Xanaanada Xoolaha iyo Shaqada iyo Shaqaalaha iyagoo Madaxweynaha la wadaagay wixii u qabsoomay sedexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka  ayaa golaha wasiirada la wadaagay baaxada abaaraha ee ku dhuftay deegaanada Hirshabeelle, iyo saameynta ay gaysteen.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada dadaalka ay wadaan iyo shaqada adag ee dowlada u hayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here