Xiddigaha Arsenal Ee Bukayo Saka & Emile Smith Rowe Oo Ku Sii Dhawaanaya Rikoodh Wayne Rooney & Cristiano Ronaldo Dhigeen.

0
202

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddigaha Kooxda Arsenal ee Bukayo Saka iyo Emile Smith Rowe ayaa ku sii dhawaanaya rikoorka Premier League kaas oo ay Man United u dhigeen Wayne Rooney iyo Cristiano Ronaldo.

Saka iyo Smith Rowe ayaa ah xiddigaha ugu fiican Arsenal xilli ciyaareedkan iyada oo uu Mikel Arteta siiyay kalsooni dheeraad ah kana dhigay xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Xiddiga Saka oo 20 jir ah ayaa caawiyay goolkii uu Smith Rowe oo 21 jir ah ka dhaliyay West Ham kulankii bartamaha todobaadka taas oo Arsenal ka caawisay guul muhiim ah.

Goolkaas ayaa ahaa midkii 6-aad ee ay labada xiddig iska caawiyaan premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya 2 gool ka dambeeya rikoodh taariikhi ah oo premier Leageu ah.

Xiddigaha Ronaldo iyo Rooney ayaa 8 gool iska caawiyay markii ay da’daas jireen ee ay u ciyaarayeen Man United iyaga oo rikoodhkaas haystay muddo dheer laakiin labada xiddi ee Arsenal ayaa jabin kara rikoodhkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here