Ralf Ragnick Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Donny Van de Beek Ka Hor Suuqa January

0
319

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Donny van de Beek ayaa lagu soo waramayaa inaan loo ogolaan doonin inuu ka tago kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janury.

Xiddiga reer Holland ayaa ku fashilmay in uu boos ka helo Man United intii uu joogay tababarihii hore ee Man United Ole Gunnar Solskjaer, taasoo keentay in si weyn loo hadal hayo mustaqbalkiisa.

Van de Beek ayaa hal mar kaliya ugu soo bilowday Red Devils tan iyo markii uu Ralf Rangnick u yimid si ku meel gaar ah, halka uu ciyaaray kaliya sideed daqiiqo oo kubada cagta ah oo Premier League ah tan iyo bixitaankii Solskjaer.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Mirror, Tababare Ragnick ayaa aad u qiimeeya xiddiga khadka dhexe sidaas darteed ma ogolaan doono in uu xiddigu ka tago kooxda suuqa January.

24-sano jirkaan ayaa 90-kii daqiiqo ee ciyaarta Youg Boys ee champions League ka hor inta uuna kaydka ku laaban kulankii Norwich City ee premier league.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here