Ragga bidaarta leh oo halis ugu jira xanuunada wadnaha ku dhaca.

0
183

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ragga bidaarta leh ay halis ugu jiraan xanuunada wadnaha.

Daraasada oo lagu sameeyay illaa 2,000 oo rag dhalinyaro ah oo Hindiya ku nool in ay badankood qabaan xanuunada wadnaha, intooda badana waa kuwa qaba bidaarta ama cirro.

Mac-hadka xanuunada wadnaha ee Yurub ayaa daraasadan sameeyay 2017-kii, waxaana laga shaaciyay shirweynaha ururka dhaqaatiirta wadnaha ee Hindiya.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in 50% ragga qaba xanuunada wadnaha ay durba cirro kasoo baxdo iyaga oo aanan gaarin xiligii tintooda ay cirroobi lahayd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here