Dalalka Yurub oo bilaabay in caruurta ay ka talaalan COVID-19

0
323

Jowhar (Radio isnaay)- Dalal dhowr ah oo ku yaalla Yurub ayaa billaabay in talaalka COVID19 la siiyo carruurta da’doodu u dhaxayso shan ilaa 11 jir, iyada oo looga gol leeyahay in lagu yareeyo faafitaanka xanuunkan.

Wadamada Germany, Spain, Denmark iyo dalal kale ayaa bilaabay inay caruurta ka talaalan cudurka karoona feyris oo xiligan faraciisa cusub uu fara ban ku hayo dalalka Yurub.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in waalidiin badan oo ku nool dalalkan ay soo codsadeen inay loo talaalo caruurtooda kadib markii daraasad lagu ogaaday in caruurta ay qaadan karan talaalka.

In ka badan hal malyan oo kiis oo ka mid ah cudurka karoona feyris faraciisa cusub ee omicron ayaa laga diwaangeliyay dalalka Yurub laga soo bilaabo 27-kii bishii November ee soo dhaafnay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here