WHO oo ka Digtay Nooca Covid-19 ee Omicron oo dunida si xowli ah ugu sii Faafayo.

0
313

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kiisaska noocan aadka u faafa ayaa lagu arkay ilaa 77 dal.

Shir jaraa’id oo uu madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus qabtay ayuu ku sheegay inay jiraan dalal kale oo badan oo aan weli aqoonsan noocan cusub.

Dr Tedros ayaa sheegay inuu ka wlaaacsan yahay inaan wax badan la sameyn si wax looga qabto noocan ka mid ah xanuunka safmarka ah ee Covid-19

Nooca Omicron ayaa bishii November markii ugu horreysay laga helay Koofur Afrika, dalkaas ayaana kaddib la kulmay koror dhanka tirada dadka uu soo ridanayo ah. Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa laga helay xanuunka Covid-19, waxaana haatan isbitaalka looga daweynayaa calaamadaha xanuunka oo aan sidaas u darneyn.

Tiro dad ah ayaa soo saaray shuruuc lagu mamnuucayo safarka taas oo saameysay Kofur Afrika iyo dalalka deriska la ah kaddib markii laga helay nooca Omicron, balse shuruucda ayaan wax badan ka qaban joojinta inuu noocan ku faafo dunida.

In ka badan 800,000 oo Ameerikaan ah ayaa u dhintay xanuunka coronavirus – waana tiradii ugu badneyd ee dhimashada xanuunka ee guud ahaan dunida laga diwaan geliyo

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ku guuleystay taageerada shuruucda Covid ee England, inkastoo uu mucaarado kala kulmayay xubno ka tirsan xisbigiisa tan iyo intii uu xilka qabtay

Dowladda UK ayaa sidoo kale shalay ku dhawaaqday in dhammaan 11-ka dal ee ku jiray liiskeeda dalalka ay mamnuucday in loo safro ay meesha ka saartay, iyadoo Wasiirka Caafimaadka Sajid Javid uu sheegay in nooca Omicron uu si aad ah u faafay isla markaana shuruucdan aysan wax muhiimad ah lahayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here