Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika oo laga Dabiibayo Cudurka Covid-19.

0
166

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xafiiska madaxweynaha Koonfur Afrika, ayaa sheegay in Madaxweyne Cyril Ramaphosa, laga daweynayo cudurka Covid-19 oo ku dhacay.

War bixin xafiiskiisu soo saaray ayaa lagu sheegay in astaamaha cudurka ee ka muuqda madaxweynaha oo haatan 69 jir ahi ay yihiin kuwo khafiif ah oo uu haatan keligii meel u gaar ah ku sugan yahay magaalada Cape Town.

Koonfur Afrika waxa haatan ku sii kordhayey tirada dadka uu cudurku ku dhacayo tan iyo intii dalkaas laga helay firka cusub ee fayraksa korona ee Omicorn la yidhaa bishii Noofember.

In kasta oo Omicron sida loo kala qaadaa ka badan tahay noocyadii ka horeyey sida Delta, hadana suurto galnimada qofku ugu dhiman karo noocan cusubi way yar tahay, sida lagu ogaaday daraasad la sameeyey.

Wuxuu noqonayaa madaxweynihii u dambeeyey ee dhawr hogaamiye oo ka mid ah kuwa dunida ee uu ku dhaco Covid-19, waxaana ka mid ah hogaamiyeyaashaas uu ku dhacay cudurku ra’isal wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson, Donald Trump oo uu ku dhacay markii uu madaxweynaha ahaa, madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro, Emmanuel Macron-ka Faransiiska, madaxweynaha Czech Miloš Zeman iyo madaxweynihii hore ee Bolivia Jeannine Añez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here