Dani Alves Oo Lagu Daray Liiska Barcelona & Xiddiga Oo Kulankiisii Ugu Horeeyay U Ciyaari Doona Kooxda.

0
218

JOWHAR(Radio isnaay) Tababaraha Barcelona ee Xavi ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga qayb gali doono kulanka saaxiibtinimada ah ee lagu xusi doono Diego Armando Maradona kaas oo lagu qaban doono dalka Saudi Arbia.

Kulanka oo loogu magac daray Maradona Cup ayay isaga hor iman doonaan kooxaha Barcelona iyo Boca Junior waana kulan ka dhici doona dalka Suadi Arabia laguna xusayo Halyeeyga Maradona.

Dani Alves oo dhawaan ku soo biiray Barcelona ayaan wali wax kulan ah u ciyaarin kooxda sabab la xidhiidha in aanu ka diwaan gashanayn Liiska xiddigaha kooxda ee loo gudbiyay xidhiidhka La Liga.

Laakiin xiddiga ayaa kulankiisii ugu horeeyay ciyaari doona maalinta Salaasada kuna beegan 14 bisha December ee haatan lagu jiro kadib markii uu Xavi ku daray Liiska xiddigaha ka hor tagi doona Buca Junior.

Xiddiga 38 jirka ah ayaa Barcelona horay ugu ciyaaray 391 ka hor intii uuna ka tagin kooxda waxana uu mar kale ku soo laabtay isaga oo kooxda u xidhan doona No.8.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here