Xaqiiqooyinak laga Diwaan Galiyay Kulamadiia Champions League Ee Xalay La Ciyaaray.

0
218

Jowhar (Radio Isnaay) Waxa xalay si Rasmi ah loo soo afjaray wareega Group-yada champions League iyada si Rasmi ah loo xaqiijiyay kooxaha u soo baxay 16-ka champions League.

Kooxda Barcelona ayaa markii ugu horaysay muddo 20 sano ah u dhaadhacday Europa Leageu kadib guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Bayern Munich kulankii ugu dambeeyay wareega Group-yada.

Dhanka kale kooxda Man United ayaa bar-baro kala kulantay kooxda Young Boys halka ay kooxda Benfica iska xaadirisay wareega xiga tartanka ee champions League

Hadaba waxa aan halkan ku so bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamadii xalay ee champions League:

1.Kadib 1 daqiiiqo iyo 23 il bidhiqsi, goolkii Timo Werner ee furitaanka ahaa ee uu u dhaliyay chelsea ayaa ahaa goolkii ugu deg-dega badnaa ee ay chelsea dhalisay champions League tan ilaa November 213 markaas oo uu John Terry u dhaliyay gool hal daqiiqo iyo 26 il bidhqsi.

2.27% goolasha ay xiddigaha reer Iran ka dhaliyeen champions league waxa ay ka dhaliyeen chelsea Ali Daei oo 2 ka dhaliyay bishii September 1999, Mehdi Taremi oo ka dhaliyay April 2021 iyo Sardar Azmoun oo ka dhaliyay xalay.

3.Romelu Lukaku ayaa dhamaan 4-tiisa gool ee champions league ka dhaliyay kooxaha reer Russia isaga oo goolal ka dhaliyay kooxaha CSKA Moscow iyo Zenit xilli ciyaareedkan.

4.Timo Werner ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee chelsea ah ee gool dhaliya sidoo kale caawiye ka noqday champions League tan ilaa markii uu Werner sidaas u sameeyay kulan ay chelsea la ciyaaraysay kooxda FK Krasnodar  October 2020.

5.Kooxda Thomas Tuchel ayaa laga dhaliyay 3 gool iyo wax ka badan laba kulan oo xidhiidh ah tan ilaa April 2019 (Lille 5/1) iyo Nates 3/2 PSG).

6.Mason Greenwood Ayaa dhaliyay 8 gool oo tartamada yurub a Man United xilli ciyaareedkan waana xiddiga ugu badan ee sidaas sameeyay ka hor da’diisa 21 isaga oo dhaafay Marcus Rashford.

7.Thomas Müller ayaa noqday xiddigii 8-aad ee dhaliya 50 gool iyo wax ka badan champions league iyo xiddigii ugu horeeyay ee reer Germany ee sidaas sameyay.

8.Man United ayaa ku fashilantay in ay shabaqeeda ilaashato mid kasta oo ka mid ah 5-tii kulan ee wareega Group-yada champions League ee ay ku ciyaartay Old Trafford waana rikoodhoodii ugu dheeraa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here