Mohamed Salah Oo Soo Qabtay Cristiano Ronaldo, Qaab Noocee Ah.

0
186

JOWHAR (Radio isnaay) Mohamed Salah ayaa bar-bareeyay rikoorka gool dhalinta 7-dii kulan ee isku xigta ee Champions League-ga ee uu ku ciyaaray meel ka baxsan garoonkiisa ee uu horay u dhigay xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo kadib markii uu gool ka dhaliyay kulankii Ac Milan.

Xiddiga Salah ayaa si lama filaan ah ugu bilowday shaxda Liverpool marka loo eego in ay kooxda Liverpool mar hore soo baxday waliba xaqiiqsatay kaalinta 1-aad ee Group-kada.

Salah ayaa dhaliyay goolka bar-baraha ee Liverpool kadib markii uu kubada ku celiyay goolka kadib markii uu Goolhayaha Ac Milan iska celiyay.

Goolkaas ayaa la macno ah in uu Mohamed Salah gool dhaliyay kulankii 7-aad oo xidhiidh ah ee ay kooxdiisu ku ciyaartay meel ka baxsan champions league.

Sidaas darteed Salah ayaa soo qabtay ama la bar-baro noqday xiddiga Man United ee Cristiano Ronaldo oo rikoodhkaas dhigay xilli ciyaareedkii 2013/2014.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here