Thomas Muller Oo Digniin Adag U Diray Barcelona Ka Hor Kulankooda Champions League.

0
151

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Thomas Muller ayaan qarin diidmadiisa ku aadan in uu Lionel Messi ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or isaga oo sheegay in uu Robert Lewandowski uga xaq lahaa.

Xiddiga reer Germanay ayaa dhanka kale u sii caga jugleeyahay kooxda Bayern Munich ka hor kulankooda champions league ee soo socda.

Muller ayaa bogiisa Linkedin ku soo qoray”Aniga fikir ahaantayda abaalmarinta Ballon d’or-ka waxa ay ahayd mid niyad jab leh”.

“Aniga ahaan Robert Lewandowski ayaa u qalmay in uu guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or”.

Isaga oo u caga juglayanaya Barcelona ayaa sii raaciyay”Waxa aan haysanaa fursad aan ku garaacno Barcelona waxana aan si adag ugu shaqayn doonaa sidii aan u araaci lahayn”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here