Shirka 6aad ee Horumarinta iyo Hal abuurka ganacsiga oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay

0
186

JOWHAR (Radio isnaay) –Waxaa magaalada muqdisho lagu soo gabgabeeyay shirka 6 aad ee Horumarinta iyo Hal abuurka ganacsiga oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Jaamacadaha Simad iyo Jamhuuriya.

Shirka waxaa ka soo qeybgalay, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya, masuuliyiin iyo aqoonyahano ka socday labada Jaamacadood, Madaxda qaar kamida bankiyada dalka, Dhaqaalyahano, Xubno katirsan Jaamacadaha dalka, khubaro iyo masuuliyiin kale.

Sanadkan waxaa shirka diirada lagu saaray fursadaha iyo caqabadaha ganacsi ee xiliga COVID-19 dalkeena Soomaaliya madaaba ay jiraan sameyno kala duwan oo uu sababay.

Waxana mudadii uu kulanka socday la soo jeediyay khudbado, cilmi baarisyo iyo dood dhamaantood la xariiray  mowduuca waxaana ka qayb qaadanaya ka qayb galayaasha shirkaan 6aad ee jaamacaduhu qabteen.

Rektorka Jaamacada Simad Ustaad Dahir Xassan Cabdi iyo Madxweynaha Jaamacada ciluumta sayniska iyo Tiknoolojiyadda ee Jamhuuriya, Eng Maxamed Axmed Maxamed oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay martida iyo ka soo qeybgalayaasha kulanka sidoo kale waxaa goobta ka hadlay

Maamulaha Bankiga Mybank Cabdirizaaq Maxamed Axmed oo kamid ahaa masuuliyiintii khudbadaha ka soo jeediyay Goobta ayaa sharaxay fursadaha iyo caqabadaha ganacsiga yaryar ee xiliga COVID-19

Intii uu shirka socday waxaa sidoo kale la soo bandhigay ilaa 26 cilmibaarisyo oo laga sameeyay mowduuca.

Xildhibaan Faarax Cabdul qaadir oo katirsan xildhibaanada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana goobjoog ka ahaa shirka ayaa ugu dambaynti faahfa ahiyay Muhiimada ay shirarka noocaan ah ugu fadhiyaan bulshada Soomaaliyeed .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here