Arsenal Iyo Tottenham Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Xuddig U Jooga Juventus , Xariir Ayay La Sameeyeen

0
187

JOWHAR (Radio isnaay) Arsenal iyo Tottenham ayaa wadahadallo kula jira Juventus oo ay ka doonayaan in suuqa jiilaalka ay ka helaan saxiixa Dejan Kulusevski

Laacibkaas u dhashay Sweden ayaa asaasi ah kulamada Juve ee xilli ciyaareedkaan iyadoo uu saftay 18 kulan dhamaan tartamada balse hal gool iyo laba caawin ah ayuu sameeyay

Sidaas oo ay tahay Dejan Kulusevski , kaliya sedex kualn ayuu horyaalka Italy kagasoobiloowday waxa uuna u muuqdaa mid kooxda ay ka maarmi karto.

Arsenal iyo Tottenham ayaa si weyn u doonaya laacibkaas dhinacyada kala duiwan ee weerarka loo adeegsan karo , waxa ayna Clacio Mercato sheegeysaa in labadaba ay wada xaajood kula jiraan Juve

Warka waxa u intaa ku darayaa in kooxahaas Ingiriiska ay laacibkaas 21 sano jirka ah ay ku doonayaan qaab amaah ah iyaga oo ku daray qodob ah in xagaaga dambe ay iibsanayaan .

Juve waxa ay Dejan Kulusevski ku qiimeysanayaan aduun dhan 29 milyan oo euro , 8 gool ayuu u dhaliyay kooxdaas ka dib 65 kulan oo uu kala soo muuqday dhamaan tartamada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here