Xayawaan hor leh oo laga helay fayraska Koroona

0
228

JOWHAR (Radio isnaay)-Mas’uuliyiinta beer xayawaanka lagu xannaaneeyo oo ku taal dalka Belgium-ka ayaa sheegay in laba ka mid ah jeerta ku nool beertaasi la karantiilay kaddib markii laga helay fayraska Korona.

Ma cadda sida labadani Jeerta ahi oo lagu kala magacaabo Imaani oo 14 sano jir ah iyo Hermien, oo 41 sano jir ah, ay u qaadeen fayraska cudurkani.

Maamulka beertan oo lagu magacaabo Antwerp ayaa sheegay Jeertaasi lagu arkay astaamaha cudurkaasi sida diif ka qulqulaya sankooda.

Xayiraado ayaa lagu soo rogay beertani xayawaanka ilaa iyo inta ay labadani Jeer jirkooda laga waayayo fayraska cudurkaasi.

Horey waxaa caalamka oo dhan uga jiraya warar sheegayay in xayawaanno kala geddisan laga helay cudurkan dunida saameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here