Man City Oo Rikoodh Cusub Ka Dhigtay Premier League, Laba Rikoodh Oo Ay Horay U Dhigtay Ayay Jabiyeen.

0
155

JOWHAR (Radio Isnaay)- Manchester City ayaa rikoor cusub u dhigtay kooxda ka dib markii ay 3-1 kaga badiyeen kooxda Watford fiidnimadii sabtidii.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Raheem Sterling iyo 2 gool oo uu dhaliyay xiddiga Bernardo Silva ayaa Man City ka caawiyay in ay gaadho guusheedii11-aad xilli ciyaareedka.

Natiijadaas ayaa ahayd guushii 31-aad ee ay Man City gaadhay horyaalka La Liga sanadka 2021 taas oo ka dhigaysa in ay dhaafeen rikoodhkii 30-ka guul ee ay gaadheen sanadihii 2017/2019.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ciyaari doonta 5 kulan inta uuna dhamaan sanadkan iyaga oo 3 ka mid ah la ciyaari doona kooxaha kaalmaha ugu hooseeya kaga jia horyaalka sidaas darteed waxa ay sii dheeraysan kartaa rikoodhkaas.

City ayaa haatan hogaaminaysa premier League iyaga oo hal dhibco ka horeeya kooxda kaalinta 2-aad ee Liverpool halka ay 2 dhibcood ka horeeya kooxda chelsea oo kaalinta 3-aad ku jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here