Hey’adda IMF oo ka digtay halista dhaqaalle ee ka dhalan karta Fayruska Omicron.

0
161

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ka digtay faafitaanka nooca cusub ee fayraska corona ee Omicron, kaas oo ay sheegtay in ay uadkaan doonto ka soo kabashada dhaawaca dhaqaale ee uu adduunka u horseedi doona fayraskan.

Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in nooca cusub ee cudurku uu wiiqi doono koboca dhaqaalaha guud ahaan caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in feyruskan Khaqarta badan ee Omicron laga helay ku dhawaad ​​40 wadan.

Saynis yahanno ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in nooca cusub ee fayraska korona uu u muuqdo mi ku faafayo wax ka badan laba laab marka loo barbardhigo noocii hore ee loo yaqaanay Delta, Inkastoo la sheegay in baaritaankan aanan dib u eegis lagu sameyn.

Prof Tulio de Oliveira, oo ah agaasimaha xarunta ka falcelisa cudurrada safmarka ah ee Koonfur Afrika, ayaa sheegay in uu jiro isbeddel aan caadi ahayn oo aad uga duwan noocyada kale ee horey u soo maray dunida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here