Chelsea Oo Bayern Munich U Bandhigtay Hishiis Is Weydaarsi ah.

0
471

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa hishiis is weydaarsi u bandhigeysa Bayern Muncih waxa ayna isha ku hayaan gool magafaha Robert Lewandowski
Robert Lewandowski ayaa hishiiskiisa Munich waxaa ka harsan 19 bil mana jiraan wadahadallo hishiis kordhin ah oo lala furay illaa iyo haatan
Warar horay u soo baxay waxa ay sheegayeen in wakiilka Robert Lewandowski uu u bandhigay laacibka in uu ku biiro Real Madrdid oo wada xaajod la biloowday dhinacyadaas
Haatan , wargeyska Bild ee Jarmalka waxa uu leeyahay , Chelsea waxa ay Munich u bandhigeen hishiis is weydaarsi dhankooda ku fasaxayaan Warner
Xilli Warner muddo lala xariirinayo in uu ka tagayo Chelsea hadana marnaba dareenkiisa mustaqbalka Chelsea ma uusan muujin
Dooda imaaneyso waxa ay tahay labada laacib qiimahaan ma isku mid baa xiligaan marka la eego suuqa , waxaa lala leeyahay Chelsea waxa ay ku qasbanaan doontaa in lacag iyo Warner isku daraan si Robert Lewandowski u helaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here