Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya

0
215

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxweynaha Dowlad Goboleedkw Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay masuuliyiinta Wasaaradaha Caafimaadka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee ka qeybgalay shirkii Wasaaradaha Caafimaadka ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta kala duwan ee shirkan ka qeybgalay wadatashiyadii iyo qiimayntii ay sameeyeen maalmihii ay shirka ku jireen isagoo xusay in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda oo dhex marta hay’adaha kala duwan ee heerarka kala duwan leh ee dalka taas oo xoojinaysa adeega shacabka loo hayo.

Dhinaca kale Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa qaabilay masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare ee Dowlada Federaalka iyo Dowlada xubnaha ka ah ayaa uga mahad celiyay sida ay uga soo qeybgaleen shirka Wasaaradaha Waxbarashada dalka ee Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay.

Waxaa Madaxweynuhu uu sheegay in loo baahan yahay iskaashi buuxa oo ka dhexeeya wasaaradaha Waxbarashada si tacliinta dalka ay u noqoto mid waxtar leh.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in iskaashiga dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowlada uu xoojinayo howlaha shacabka loo hayo isla Markana shaqooyinku ay noqonayaan kuwo isku dheeli tiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here