Kaalmaha Ay Horyaalka Kaga Dhamaysanayaan Chelsea, Man City, Liverpool & Manchester United Oo La Saadaaliyey

0
256

JOWHAR (Radio isnaay) Saadaal cusub ayaa laga sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, sida uu noqonayo maalinta ugu dambaysa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga. Min kooxda ku guuleysanaysa illaa saddexda kooxood ee dib ugu noqonaya heerka labaad ee Championship-ka ayay saadaashani xustay.

Horyaalka Premier League oo 13 kulan la ciyaaray ayaa waxa ugu cadcad oo ay kaliya laba dhibcood kala soocaan saddexda ugu sarreeya ee Chelsea, Manchester City iyo Liverpool, kuwaas oo shan dhibcood ka horreeya kooxda kaalinta  afraad.

Manchester United ayaa ku dhibaataysan horyaalka oo hoos u dhac weyni ku yimid, hase yeeshee waxay kusoo laaban doontaa kaalinta afraad oo ay ku dhamaysan doontaa, sida ay muujinayso saadaal cusub oo laga sameeyey horyaalka.

Red Devils oo tababare cusub u magacowday Ralf Rangnick ayaa waxa ay awoodi doontaa inay soo dul-marto Tottenham, West Ham iyo Arsenal

Khabiirka ciyaaraha ee Chris Sutton oo saadaaliyey horyaalka, ayaa waxa uu sheegay in Chelsea ay ku guuleysan doonto Premier League kaddib afar sannadood oo ay ka maqnayd, waxaanay ku garaaci doontaa Manchester City oo afartii sannadood ee ugu dambaysay saddex ka  mid ah qaadatay iyo Liverpool oo xilli ciyaareedkii 2019-20 hanatay oo kaalinta saddexaad u dhici doonta.

Newcastle United oo Sucuudigu iibsaday ayaa u dhici doonta heerka labaad, waxaana ku wehelin doona Brentford iyo Leeds United.

Saadaasha Chris Sutton ee xilli ciyaareedka

1) Chelsea

2) Man City

3) Liverpool

4) Man United

5) Arsenal

6) West Ham

7) Tottenham

8) Leicester

9) Aston Villa

10) Wolves

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here