Wasiirka Wasaaradda Beeraha Hirshabeelle oo Kormeer kutagay Wabiga Shabeelle

0
267

JOWHAR (Radio isnaay)  Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy ayaa sheegay iney wax Ka qaban doonaan dhibaatada Wabiga Shabelle uu Ku haayo Beeraleyda Gobolka Shabeellaha Dhexe  kidib Kormeer uu Maanta kutagay Wabiga Shabeelle ee Mara Bartamaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle Maxamed Cumar Ceymooy oo kahadlayay Kormeerkii Maanta ayaa yiri  ” waxaan Maanta Kormeer shaqo oo Howleed ah oo quseeya Howlaha Shaqo ee Wasaaradda ku tagnay Wabiga Shabeelle Qaasatan kan Dhexmara Degmada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle taasoo uga danleenahay Maanta Wabiga  hoos ayuu udhacay ha udhaco waxaad arkeeysaan in maanta bacaadkii Wabiga uu yahay mid muuqda Marka Ujeedadeenu waxa ay tahay sidii wax looga qaban lahaa Bacaadka Tirada badan ee Dhexfadhiya Wabiga Shabeelle ee aad Ujeedaan waxaana rajeeyneeynaa in aan Cagfcagaf gelino si aan kaga saarno Bacaadka Dhexfadhiya Bartamaha Wabiga” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle.

warbixintan waxaa ino soojeedineysa=-Xaliima Cali Ibraahim 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here