Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaar ka mid ah wax garadka ku dhaqan Deegaanka Cali Fool Dheere ee duleedka Degmada Mahadaay ayaa shegay in labadii Todobaad ee ugu danbeysay ay ka da’een Robab lagu diirsaday waxana jiray in malmahii ugu danbeyay ay Dadka Xoola dhaqatada ah iyo Beeraleyda ay ka cabanayeen Roob la’aan.
Warbixintan Waxaa Soo Jeedineysaa : –Maryama Sheikh Cabdi.