Shirka Wadatashiga Qaran Ee Arrimaha Waxbarshada Oo Maanta Furmay

0
174

JOWHAR (Radio isnaay) Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya Mudane Inj Cabdulaahi Abuukar Xaaji (Cabdulaahi Carab), ayaa magaaladda Kismaayo Xarunta KMG ee dowlad Goboleedka Jubbaland ka furay shirka dib-u-eegista Arrimaha Waxbarashadda.

Shirka furmay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa looga hadlayaa horumarinta Waxbarashadda gaar ahaan dhismaha laba-gudi oo muhuim u ah waxbarashada, kuwaasi kala  ah Guddiga Qaran ee Imtixaanaadka  iyo Gudiga Qaran ee maareynta iyo hormarinta manhajka Waxbarashadda.

Shirkaan ayaa daba socda shir ay dhawaan ku yeesheen wasaaradda waxbarashada Federaalka iyo Wasaaradaha waxbarashada ee Dowlad Goboleedyadda dalka kaasi oo ka dhacay Magaaladda Goroowe ee Caasimada Puntland, 12 Luulyo ee Sanadkaan 2021, shirkaas oo ay ka soo baxeen go’aamo muhiim ah.

Shirkaan ayaa wejigiisa Sedexaad waxaa marti-galin doona Dowlad Goboleedka Gamudug, waxaana looga hadli-doona masiirka adeega waxbarasho ee loo haayo shacabka soomaaliyeed.

Wasiirada Waxbarashadda dowlad Goboleedyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshadda Dowladda Federaalka ee Soomaliya iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Waxbarshadda Dowlad-Goboleedyada ayaa ka qeyb galay Shirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here