Dowladda Kuuriyada Koonfureed oo markii ugu horreeysay magaalooyin ka dhiseysa badda dusheeda.

0
219

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mashruucan ayaa la filayaa in la dhameystiro dabayaaqada sanadkan.

Ujeedka magaalooyinkan looga hirgelinayo badda dusheeda ayaa ah sidii looga hortaggi lahaa dhibaatootyinka ka dhasha cimilada kulul iyo sare u kaca biyaha badda.

Waxaana kamid ah magaalo laga dhisayo meel u dhaw xeebaha Busan oo inta badan ka hortagga muujadaha badda iyo daadaadka.

Injineerada naqshadeynayo mashruucan ayaa ku rajo weyn in dhistaanka magaalooyin dhowr ah oo isku filan isla markaana leh korontada cadceeda laga dhaliyo, lagana heli karo adeegyada cuntada iyo biyo nadiif ah.

Mashrcuucan ayaa qeyb ka ah heshiis lala galay Qaramada Midoobey kaas oo looga golleeyahay sidii sare loogu qaadi lahaa nolosha ku dhawaad 6 dal oo ku yaalla dunida.

Busan waxaa ku nool 3.4 malyan oo qof, waxaana ku yaalla mid kamid ah dekedaha ugu mashquulka badan adduunka, waxay kamid tahay meelaha ugu halista ugu jira saameynta ka dhalan karta sare u kaca heerka biyaha badda.

Khuburrada waxay saadaalinayaan in dabayaaqada sanadkan ay sare u kici karaan heerka biyaha badda taas oo saameyn ku yeelan karta nolosha malaayin qof oo ku nool magaalooyinka dhaca xeebaha ee adduunka.

Kuuriyada Koonfureed ayaa halis ugu jirtaa masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, dhul go’a, fatahaadaha iyo dhul gariirka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here