Xukuumadda Oo 1 Milyan Dollar U Qoondeysay Gurmadka Abaaraha

0
151

JOWHAR (Radio isnaay) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddoomiyey Shir ay yeesheen Guddiga Gurmadka abaaraha darran ee xiligaan ka jira Gobolada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dhawaaqay in Xukuumadda  1 Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay Gurmadka abaaraha, si loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ay abaaraha saameeyeen.

Sidoo kale Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Rooble ayaa lagu sheegay in Ganacstada Soomaaliyeed ay iyaguna dhankooda ku yabooheen 2 Milyan oo Doollar oo deg deg wax lagaga qabanayo abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay shaaciyay inuu ugu deeqay Mushaharkiisa Madaxweynenimo ee Bilaha Nofeembar iyo Diseembar howlaha gurmadka dadka Soomaaliyeed ee la dhibaataysan Abaaraha ka jira Gobolada dalka.

Si kastaba Gobolada dalka ayaa waxaa ka jira abaaro baahsan iyo biyo la’aan oo saameeyay dadka iyo duuniyada, iyadoona abaarta ay dad ugu geeriyoodeen Gobolka Gedo, waxaana sidoo kale abaarta ku le’day xoolo farabadan oo ay lahaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here