Haweeneydii ugu horeysay ee Ra’iisal wasaare ka noqota dalka Sweden oo is casishay.

0
183

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haweeneydii ugu horeysay oo ra’iisal wasaare ka noqota dalka Sweden, ayaa is casishay, kadib markii loo magacaabay jagadaasi saacado un kahor.

Magdalena Andresson, ayaa loo magacaabey jagadan maalinimadii arbacada laakiin way is casishay, kadib markii ay isbaheysigeeda ay ka baxeen dowladda.

Ra’iisal wasaare Andersson, ayaa u sheegtay war fidiyeenka iney u gudbisay afhayeenka baarlamaanka doonisteeda is casilaadda.

Waxey intaa ku dartey iney ku dadaaleyso iney noqoto ra’iisal wasaare mar kale, iyadoo markan kusoo galeysa dowladda hal xisbi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here